Mino Raiola oo ah agentiga Paul Pogba ayaa shaaca ka qaaday in laacibkan ay uga dhamaatay kooxda uu mudada u dheelayay ee Manchester United.

Heshiiska Pogba ee kooxdan ayaa dhacaya bartamaha sannadka 2022, waxaana uu xor u yahay in uu dhameysto ama uu isaga tago ka hor.

Tababaraha kooxda Manchester United Solskjær ayaan muddooyinkii u dambeeyay ku faraxsaneyn natiijooyinka laacibkan asal ahaan kasoo jeeda Afrika balse haysta dhalashada fransiiska.