US: Boolis hore oo qirtay in uu gobolka California ku dilay dad badan

Joseph DeAngelo (74) oo horay uga tirsanaa booliska Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah si rasmi ah uga hor qirto maxkamadda dilka dad badan oo uu soo laayay intii u dhaxeysay sanadihii 70 iyo 80-maadkii kuwaas oo ka dhacay gobolka California.

Ninkan oo loo baxshay «Golden State Killer» maadaama boolisku ku wareereen ruuxa uu ahaa iyo in ay soo qabtaan ayaa heshiis kula galay dowladda in laga daayo xukunka dilka oo loogu badalo xabsi daa`in islamarkaana uu isagana miiska soo saari doono dhammaan sirta uu hayo ee ku aadan dilalka uu geystay.

Waxaa lagu wadaa in uu maxkamadda ka hor qirto dilka 13 ruux iyo afduubka 13 kale, kuwaas oo dhamaantood dhacay sanadaha kor ku xusan, kana dhaceen gobolka California.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu qirto 62 kufsi oo lagu eedeeynayo.

Ninkan ayay boolisku soo qabteen sannadkii 2018-ka, kadib markii ay DNA ku raadiyeen dilal dhacay intii u dhaxeysay 70 iyo 80-maadkii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *