Home Wararka Maanta Maamulka Punltnad oo soo Bandhigay Meydadka Ajaaniib katirsan kooxda Daacish

Maamulka Punltnad oo soo Bandhigay Meydadka Ajaaniib katirsan kooxda Daacish

0

Ciidanka difaaca maamulka Puntland, ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno katirsan buuraha Calmiskaad waxa ay ku dileen xubno katirsanaa kooxda hubeysan ee Daacish.

Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ayaa deegaanka lagu magacaabo Dhariinta Dacaro ku soo bandhigay meydka 7 nin oo ahaa ajaaniib, kuwaa oo lagu dilay howlgalka ay ciidamada fuliyeen.

“Halkaani waa Dhariintii Dacaro waxaad arkaysaanna waa meydadka 7 nin oo caddaan ah oo ay xitaa awoodi waayeen inay aastaan isla markaana goobta uga carareen, si ay naftooda u badbaadsadaan”, Ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidanka difaaca dwoladda Puntland.

Ciidamada difaaca maamulka Puntland , ayaa wali howlgallo wali ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka , waxaana howlgalkaasi kagu dilay dagaallamayaal badan oo katirsanaa Daacish una badnaa ajaaniib.