Home Wararka Maanta Wasaaradda Warfaafinta oo Ka Digtay Khataro Amni oo Ka Dhasha Bannaanbaxyo Siyaasadeed...

Wasaaradda Warfaafinta oo Ka Digtay Khataro Amni oo Ka Dhasha Bannaanbaxyo Siyaasadeed oo Muqdisho Ka Dhici Kara

0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku xaqiijisay ixtiraamka xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta ee isu soo baxa nabadeed, hadalka iyo ka qaybgalka siyaasadda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in bannaanbax nabadeed uu yahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana dowladda aysan wax diidmo ah ka qabin muwaadiniinta muujinaya aragtidooda si sharci ah, nabad ah oo nidaamsan.

Si loo fududeeyo xuquuqdaas isla markaana loo ilaaliyo amniga guud iyo shaqada caadiga ah ee caasimadda, wasaaraddu waxay sheegtay in Garoonka Eng. Yarisow loo asteeyay goobta ku habboon ee lagu qaban karo bannaanbaxyada nabadeed, Hase yeeshee, waxay sheegtay in abaabulayaasha siyaasadeed ay shaaciyeen 22 goobood oo kala duwan oo bannaanbaxyo ah gudaha Muqdisho, taas oo ay ku tilmaantay mid khatar ku ah kala dambeynta iyo amniga magaalada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka digtay qorshe la sheegay inuu yahay shan maalmood oo bannaanbaxyo isdaba joog ah, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay halis gelin karto nabadgelyada shacabka, adeegyada muhiimka ah iyo habsami u socodka magaalada.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in warbixinno amni ay muujinayaan in ciidamo hubeysan oo lala xiriirinayo dhinacyo siyaasadeed ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Muqdisho, taas oo kordhin karta khatarta iska hor imaad iyo isticmaalka goobaha rayidka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digtay hadallo ay ku tilmaantay kuwo kicinaya xiisad siyaasadeed, kuwaas oo u horseedi kara in bannaanbaxyadu ka leexdaan qaab nabadeed.