Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah horumarka iyo maamulka dalka, gaar ahaan diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo in dalka laga qabto, iyo ansixinta shuruuc iyo heshiisyo heer qaran ah.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Golaha uga warbixiyey marxaladda ay marayaan howlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qorshaha doorashada deegaanka ee lagu qabanayo caasimadda Muqdisho 30-ka bisha Nofeembar.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan darajooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo lagu saleeyey sharciga doorashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka degmooyinka.
Darajooyinkan cusub ayaa u kala baxaya laba qeybood oo kala ah Degmooyinka Darajada (A) iyo Degmooyinka Darajada (B).
Haddaba Degmooyinka Darajada (A) waxaa kamid ah 1. Hodan, 2. Yaaqshiid, 3. Deyniile, 4. Kaaraan, 5. Dharkeenley, 6. Wadajir, 7.Warta-Nabadda, 8. Heliwaa iyo 9. Howl-wadaag.
Sidoo kale Degmooyinka Darajada (B) wzaa kamid ah, 1. Waaberi, 2. Shibis, 3. Xamar-jajab, 4. Boondheere, 5. Xamar-weyne, 6. Cabdicasiis iyo 7. Shangaani
Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey afar xeer iyo heshiis muhiim ah oo la xiriira amniga, maamulka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, kuwaas oo kala ah, Xeer-nidaamiyaha Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istraatiijiyadda, Hindise-sharciyeedka Sharciga Booliska Soomaaliyeed, Heshiiska Ilaalinta iyo Isticmaalka Wabiyada Xuduudaha Dhaafsan iyo Harooyinka Caalamiga ah iyo Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Shirkadaha Kalluumaysiga Qaranka.