BREAKING NEWS / DEG-DEG

Iiraan oo qiratay in ay gantaal ku soo ridday diyaaraddii rakaabka aheyd ee laga lahaa dalka Ukrain

Militariga Iran ayaa sheegeen in “si aan ula kac ahayn oo kama ah ” ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa dalka Ukrainian, sida uu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan.

Bayaan la baahiyay saaka ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay oo burburka diyaarada uu ka dhashay “khalad uu bina’aadam sameeyay “.

Oran ayaa sheegtay in diyaaradda ay kusoo dhawaatay xarun ciidan oo ay leeyihiin ciidanka Kacaanka Iran, sidaasna loogu qaatay in ay aheyd diyaarad “cadow”.

Maxay muujieen in ay ka xunyihiin khaladkaasi dhacay, iyadoona lala xisaabtami doonaa dadkii ku lugta lahaa, sida bayaanka laga baahiyay telefishinka lagu sheegay.

Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiraan riday.

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii, waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhamaa 166 iyo 10 shaqaale ah oo marka la isu geeyo noqoneysa 176 ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *