Dibedda

R/wasaaraha Canada oo ka qeyb-galay baroordiiq loo sameeyay muwaadiniintii uga dhintay shilka diyaaradda Iran

R/wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa habeenkii xalay ka qeyb-galay baroordiiq loogu sameeyay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalkaasi muwaadiniintii uga geeriyooday diyaaraddii rakaabka aheyd ee ay Iran soo ridday 8-dii bishan Janaayo.

Canada ayaa shilkaasi ku weyday 57 muwaadin oo wada ahaa muwaadiniin asal ahaan kasoo jeeda dalka Canada, balse u qaxay dalka Canada oo dhalasho ka qaatay.

Waxa ay Iran u tageen intooda badan booqashada eheladooda iyo in ay lasoo qaataan dhalashada sannadka cusub, waxaana ay isugu jireen carruur iyo dad waawen.

Baroordiiqdan oo ka dhacday garoon kubadeed oo daboolan kaas oo ku yaal magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ayaa waxaa uu r/wasaaraha dalka Canada ka sheegay in marna aysan aheyn in ay dhacdo arrintan oo kale, isagoona sheegay in dalka oo dhan looga murugeysan yahay dhacdadan.

Gobolka Alberta oo ay deggan yihiin in ka badan 5-kun oo Iraniyiin ah ayaa keligiis waxaa shilkaasi uga dhintay 13 ruux.

Xukuumadda Tehran ee dalka Iran ayaa qiratay in ay iyadu soo ridday diyaaraddaasi kadib baryo oo ay dafireysay.

Militariga Iran ayaa sheegeen in “si aan ula kac ahayn oo kama ah ” ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa dalka Ukrainian, sida uu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan.

Bayaan la baahiyay saaka ayaa lagu sheegay in falkani uu ku dhacay oo burburka diyaarada uu ka dhashay “khalad uu bina’aadam sameeyay “.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *