Home Wararka Caalamka Caasimada Tel Aviv oo Xalay Markale lagu Garaacay Gantaalo Xoogan

Caasimada Tel Aviv oo Xalay Markale lagu Garaacay Gantaalo Xoogan

0

Telefishinka Al Arabiya ayaa ku warramay in muuqaallo xalay laga soo duubay magaalada Tel Aviv ay muujinayaan dab weyn oo ka kacay bartamaha magaalada, kaddib weerar gantaallo ah oo la sheegay in ay qaaday Iiraan.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu sababay qaraxyo xooggan iyo dab qabsaday dhismayaal ku yaalla meelaha ganacsiga iyo deggenaanshaha ee magaalada.

Wararku waxay sheegayaan in gantaallada qaarkood ay ku dhaceen goobaha bartamaha Tel Aviv, taas oo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo weli aan si rasmi ah loo shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha.

Muuqaallada laga baahiyay baraha warbaahinta ayaa muujinaya olol dab ah oo cirka isku shareeray iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah oo ku qulqulaya goobaha ay waxyeelladu ka dhacday.

Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in nidaamyada difaaca hawada ee dalkaas ay isku dayeen inay qabtaan qaar ka mid ah gantaallada la soo tuuray, balse qaar kale ay u suurtagashay inay gaaraan gudaha magaalada.

Adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa bilaabay howl-gallo samatabixin iyo daminta dabka si loo xakameeyo khasaaraha ka dhashay weerarka.

Weerarkan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ay si weyn u kacsan tahay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayeen hanjabaado iyo weerarro isdaba joog ah maalmihii la soo dhaafay.

Khubarada arrimaha ammaanka ayaa ka digaya in dhacdooyinkan ay keeni karaan in colaadda gobolka ay sii fido haddii aan xal degdeg ah loo helin xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa labada dal.