Dibedda

Qoyska boqortooyada Ingiriiska oo kulan ka yeelanayo arrinta Harry iyo Meghan

Amiir Harry ayaa maanta la kulmaya boqoradda Ingiriiska iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan reer boqor, waxaana kulanka looga hadlaya mustaqbalka amiir Harry kaddib markii dhawaan isaga iyo xaaskiisa Meghan ay sheegeen in noloshooda ay ka madaxbannaan midda qoyska boqortooyada.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalayaa Amiir Charles iyo Amiir William, waxaana khadka telefoonka kaga qeybgali doonta Meghan oo ku sugan waddanka Canada.

Amiir Harry iyo Meghan ayaa war qoraal ah oo ay Arbacadii shaaciyeen ku sheegay inay go’aanka gaareen ka dib “muddo bilo ah oo ay ka baaraandegayeen, si hoose na ay uga xaajoonayeen”.

Waxa ay sheegeen inay “doonayaan inay ka fariistaan xilalka “sare” ee ay ka hayaan qoyska Boqortooyada ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay dhaqaale ahaan uga madax bannaanaan lahaayeen”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *