Gudaha

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Toorotoorow

Cidiamada dawladdda Soomaaliya ayaa saakay waaberigii la wareegay deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qabsashada Tooratoorow oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kalene, maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ku toogteen afar nin oo ay ku eedeeyeen inay la shaqaynayeen dawladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *