Sawirro

CIRAAQ: Ciidamada Mareykanka oo nadiifin ku bilaabay bur-burka ka dhashay duqeyntii Iran u geysatay

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan xeryihii ay Iran duqeysay maalmo ka hor ee gudaha dalka Ciraaq ayaa maanta oo Isniin ah ku bilaabay nadiifin kadib markii lasoo gabo-gabeeyay baaris lagu hayay khasaaraha ka shashay duqeymahaasi iyo waliba nooca hubka ee loo adeegsaday.

Ugu yaraan labo xero ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka Ciraaq ayay Iran duqeysay, iyadoona duqeymahaasi ugu aargudeysay generaalkii looga dilay agagaarka garonka diyaaradaha ee dalka Ciraaq.

Weeraradan ayaa dhacay saacado un ka dib markii la soo gabagabeeyay aaska Qaseem Suleymani.

Mareykanka ayaa sheegay in weeraradani eysan geysan wax khasaare nafeed ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *