Dibedda

CHINA: Bas iyo rakaabkii saarnaa oo ku dhacay hog wadada dhexdeeda ka dillaacay – 6 dhimatay

Habeenkii xalay ayaa waxaa magaalada Xining ee dalkaasi Shiinaha ka dhacay shil gaari bas ah oo rakaab sida kaas oo ku dhacay hog ka dillaacay wadada dhexdeeda kaas oo gebi ahaanba liqay baskii.

Lix ruux ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen shilkan, halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen.

Muuqaal kaamiradda qarsoon ay doobtay ayaa muujinaya baska oo taagan oo kaas oo godka ku dhacaya islamarkaana ay dhowr qofna ay raaci rabeen.

Sidoo kale dad wadada goynayay ayaa sidoo kale hogga ku dhacay.

Arrinta noocaan ah ayaanan ku cusbeyn Shiinaha, waxaana dhowr jeer oo hore dhacay shilala noocaan oo kale kuwaas oo mar qura hogaga ay ka dilaacaan waddooyinka dalkaasi.

Arrintan ayaa loo sababaeynaya horumarka dhana dhismooyinka iyo waddooyinka oo waddankaasi shida xowliga ah uga socda islamarkaana aan tayo iyo taxadar fiican la siineyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *