Dibedda

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Cuman, kana qeyb-galaya aaska Suldaan Qaboos bin Saciid

Madaxweynaha jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan Sandalada Cuman, waxaa uuna la kulmay suldaanka cusub ee dalkaasi Suldaan Haitham bin Taymur.

Madaxweyne Farmaajo oo shaley gelinkii dambe gaarey dalka Cumaan ayaa waxaa uu halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer ee Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geerioyoodey maalmo ka hor da’da 79 jir.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmaha barooq-diiqda oo looga dhawaaqay dalkaas markii u geeriyoodey Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *