Home Wararka Maanta Ganacsade Jabuutawi oo Wareejiyay Gaadiid Dagaal oo lagula Dagalaamaayo Soomaaliland(Sawiro)

Ganacsade Jabuutawi oo Wareejiyay Gaadiid Dagaal oo lagula Dagalaamaayo Soomaaliland(Sawiro)

0

Ganacsadaha caanka ah ee reer Laascaanood Xaaji Maxamed Jabuutiwaai ayaa maanta maamulka Khaatumo iyo waxgaradka gobolka Sool , ku wareejiyay gaadiid dagaal iyo hub fara badan uu lahaa ganacsadaha.

Munaasabad ka dhacday magaalada Laascaanood ayna joogeen madax katirsan maamulka Khaatumo, saraakiil ciidan iyo odayaasha dhaqanka gobolka Sool ayuu ganacsade Maxamed Jabuuti ku wareejiyay ku dhawaad 20-gaari oo nuuca dagaalka ah.

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu go’aansaday in gaadiidka dagaalka iyo hubkii uu lahaa maanta laga bilaabo uu ku wareejiyay maamulka Khaatumo laguna xisaabtami doono maamulkaasi.

Waxa uu sheegay ganacsadaha in uu go’aansaday in Xajka aado uuna iska cibaadeesto, isagoona tilmaamay waxii hadda ka dambeeya gaadiidkaasi dagaalka iyo hubka uu wareejiyay lagula xisaabtamayo maamulka Khaatumo State.

Previous articleSenator Maryan: Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ugu baaqayaa inay qubuuraha Eebe dartiisa ugu xishoodaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here