Home Wararka Maanta Shaqaale Ka Tirsan Shirkada Hormuud oo Lagu laayay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Shaqaale Ka Tirsan Shirkada Hormuud oo Lagu laayay Qarax ka Dhacay Muqdisho

0

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Iagaarsiinta Hormuud Telecom.

Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya illaa iyo 6 ruux isla goobtana uu ku basbeelay gaarigii ay wateen.

Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo qabsatay gaariga.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa maamulka Shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadan.

Previous articleDagaal Qaaraar oo Maantay Ka Dhacay Galmudug iyo Khasaaro Badan oo ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here