Booliska magaalada Elverum ayaa baaraya dhacdada qoys soomaaliyeed oo gurigooda loogu dhacay islamagaaladaasi Isniintii lasoo dhaafay sababo la xiriira arrimo cunsurinimo oo ay la kulmayeen saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Qoyskan ayaa dhacdadii isniinta kadib go`aansaday in ay u guurayaan caasimadda Oslo.

Hooyo Fadumo Bulhan iyo carruurteeda ayaa magaalada Elverum ku noolaa muddo 20 sano ka badan, waxaana ay hooyo faadumo magaladaasi dagtay iyada oo qoxooti ah sannadkii 1994-kii.

Qoyskan ayaa sheegay in saddexdii sano ee u dambeeyay ay koox gooni ah oo cunsuriyiin ah ugaarsaneysa, iyagoona dhowr jeed weeraro kala duwan kusoo qaaday.

Sanado ka hor ayay hooyo Fadumo Bulxan waxa ay sheegtay in garaashkooda loo dhacay oo darbiyada looga kaadiyay, alaabtii ku jirtayna laga jajabiyay, iyadoona intaasi raacisay in loogu yeero erayada “neger” iyo in lagu salaamo salaanta nazi-ga.

Habeenkii dhowr jeer ayay soo toostaa si ay u eegto xaaladda guriga iyo hareerihiisa iyo tan carruurta, waxaana ay haysataa 6 caruur ah.

Booliska magaalada ayaa shaaca ka qaaday in sannadkii 2017 nin qoyskan ay ka harsan waayeen lagu xukumay 45 sano oo xarig ah, ayna iminka baarayaan dhacdooyinkan cusub ee qoyska lasoo darsay.