Home Wararka Caalamka Xildhibaan kale oo ka tirsan Xisbiga Vänsterpartiet oo Shaqadiisa iska Hakiyay

Xildhibaan kale oo ka tirsan Xisbiga Vänsterpartiet oo Shaqadiisa iska Hakiyay

0
Foto: Christine Olsson / TT

Axmed Cabbaas Cumar, oo ka tirsan Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet), ayaa si ku-meel-gaar ah uga hakaday shaqadiisa siyaasadeed kadib markii la ogaaday in magaciisu ku jiro baaritaanka socda ee la xiriira tuhunno ku saabsan wax-is-daba-marin doorasho.

Go’aankiisa ayaa yimid kadib markii saaxiibkiis xisbiga, Maxamed Cabdqaadir Cali, uu isna ku dhawaaqay inuu fasax ka qaadanayo hawlaha siyaasadeed.

Cumar ayaa fiidnimadii Talaadada u sheegay wargeyska Borlänge Tidning: “Waan xaqiijin karaa arrintaas. Waxaan qaadanayaa fasax ilaa baaritaanka oo dhan la soo gabagabeeyo, arrimuhuna si buuxda u caddaadaan.”

Cumar ayaa kursi ka helay golaha deegaanka degmada Borlänge kadib markii uu helay codad shaqsiyeed oo ku filan. Talaadadii ayuu kulan la yeeshay laanta deegaanka ee Xisbiga Bidixda, waxaana lagu heshiiyay inuusan bilaabin shaqadiisa siyaasadeed inta uu baaritaanku socdo.

Sida ku cad natiijooyinkii ugu dambeeyay ee tirinta codadka, Cumar wuxuu helay 343 cod oo shaqsiyeed doorashadii golaha deegaanka. Taasi waxay ka dhigan tahay in 14 boqolkiiba cod-bixiyayaashii u codeeyay Xisbiga Bidixda ay si gaar ah isaga u doorteen.