Home Wararka Maanta Faahfaahin Dheeri ah oo kasoo Baxaysa Sababta Cali Ciid Gaalkacyo loogu Dilay

Faahfaahin Dheeri ah oo kasoo Baxaysa Sababta Cali Ciid Gaalkacyo loogu Dilay

0

Allaha u naxariistee magaalada Galkacyo waxaa lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cali Ciid, wiilka dhallinyarada ah waxa uu kamid ahaa dhallinyarada magaalada kuwooda haldoorka ah ee magaalada laga yaqiinnay.

Dilka wiilka ayaa hadal heyn badan ka dhex abuuray gudaha magaalada iyo baraha bulshada oo si weyn la’isula dhex qaaday.

Cali Ciid waxaa uu dhowaan ka qalin jabiyay jaamacadda Bariga Afrika, isaga oo bartay culuumta la xiriirta warbaahinta, waxa uu kamid ahaa ardaydii sanadkii hore ka qalin badalatay jaamacaddan oo uu muddo soo waday.

Sababaha dilka ayaa lagu sheegay in ay salka ku hayaan aano qabiil, iyadoo magaalada Galkacyo ay dhowaanahan ka dheceen dilal kuwan la mid ah isla markaana salka ku haya isku dhacyo qabiileed.

Cali Ciid waxa uu dhowaan dhistay reerkiisa cusub isaga oo mehersaday, waxa uu qorshuhu ahaa in uu ooridiisa la aqal galo bisha Ramadaan ka dib, Lix bilood gudahood ayey wada dheceen qalinjabitiisa, meherkiisa, iyo dilkiisuba.

Mustaf Cabdicasiis Yuusuf (Mustaf Xaarin) oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada gaar ahaan dhallinyarada ee magaalada Galkacyo oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, “Wiilkan dhallinyarada ah waxaa xalay lagu dilay Gaalkacyo, dhowaanahan waxaa muuqatay in ay naga yaraadeen dilalka lagu bartilmaameedsanayo dhallinyarada haldoorka ah ee magaalada balse waxaa wax laga xumaado ah in ay dib usoo laabteen”.

Waxa uu sheegay in isha ugu horreysa ee la bartilmaameedsado ay yihiin dhallinyarada taasina ay sababtay in dhallinyaro badan oo reer Galkacyo ahaa ay magaalada isaga carareen, si gaar ah waxa uu sheeegay in qabiillada ay aanadu ka dhaxayso dhallinyarada kasoo jeedda ay dhacdooyinku saameyn ku yeesheen.

Waxaa kamid ahaa Jacfar Yuusuf, oo katirsanaa dhallinyarada ugu firfircoon magaalada Galkacyo, isaga oo hoggaamiyay ururka dhallinyarada ee magaalada.

Mar uu BBC-da la hadlayay xilligii uu magaalada isaga baxay ayuu yiri, “Waxaa la beegsanayaa dadkii haldoorka ahaa, dadkii bulshada indhaha u ahaa, waxaa saameyn ku yeeshay dilka aanada qabiilka kaas oo ka soo bilowday ragga mukhaadaraadka isticmaala, ka dibna isku badalay in loogu aaro kuwa haldoorka ah.”

Mustaf Xaarin ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo joojin lahaa falalkan foosha xun ee lagu bartilmaameedsanayo haldoorka magaalada.

“Anaga ka dhallinyaro ahaan in waxyaabaha caynkan oo kale ah ay magaaladeennii ka dhacaan waxa ay nagu reebeysaa saameyn, dhowr goor ayaan isku daynay in aan arrintan kala xaajoonno maamulka Puntland oo magaaladu ay hoos tagto, sidoo kale oday dhaqameedka magaalada ayaan kala hadalnay welina waan sii wadeynaa oo kama daali donno”, ayuu yiri Mustaf Xaarin.

Waxa uu sheegay in aysan muuqan doorkii dowladda ee magaalada Galkacyo marka laga reebo guddoonka magaalada oo uu sheegay in meelaha qaar ay kala soo muuqdaan.

“Dowladdu waxa ay horay u howl gelisay odayaasha oo laga war sugayay, waxaa muuqata in ilaa iyo inta laga helayo doorka saxda ah ee dowladda aysan wax weyn iska bedeli doonin falalka ka dhaca magaalada Galkacyo”.

Mustaf ayaa sidoo kale sheegay in shacabka magaalada Galkacyo ay mar waliba ka siman yihiin diidmada dulmiga iyo dhiigga micnadarrada lagu daadiyo, waxa uu intaa ku sii daray in markii ay dhacaan dhacdooyin kuwan la mid ah ay shacabka Gaalkacyo kor u qaadaan codkooda oo ay hadlaan, haddii ay ahaan lahayd si toos ah ama dhinaca baraha bulshada, balse hadalkoodu uusan lahayn saameyn dheer oo jawaab loo helo.

Dilalkii ugu hadal heynta badnaa ee ka dhacay Galkacyo waxaa kamid ahaa fal lagu dilay dhakhtar dhallnyaro ahaa oo lagu dhex toogtay Isbitaalka weyn ee magaalada.

Alle ha u naxariistee dhakhtarka ayaa lagu magacaabi jiray diktoor Zakariye Cabdi Jaamac oo ahaa dhakhtar da’ yar isla markaana ka shaqaynayey cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Muuqaal la iskula wadaagay baraha bulshada oo ay duubtay kaamirada CCTV ayaa muujisay rag hubaysan oo soo galay cusbitaalka isla markaana xabado kor u ridaya si ay u kala eryaan dadka, ka dibna mid ka mid ah ayaa u galaya halka uu dhakhtarku joogay kuna furaya xabado.

Dhallinyarada magaalada Galkacyo ayaa haatan qaba dareen ah in dhammaantood ay yihiin dil sugayaal lagu raadsanayo aanooyin qabiil oo aysan wax ka ogeyn.

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Putin oo Hanjabaad Culus u Diray Reer Galbeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here