Home Wararka Somaliya Galmudug Shirka Nabadaynta Beelaha Sacad iyo Leelkase oo Ka furmay Gaalkacyo(Sawiro)

Shirka Nabadaynta Beelaha Sacad iyo Leelkase oo Ka furmay Gaalkacyo(Sawiro)

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug waxaa maanta ka furmay Shirweynaha Nabadda Galbeedka Mudug ee Beelaha SACAD IYO LEELKASE

Shirweynahaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan JFS,Galmudug iyo Puntland, maamulada Gobolka mudug, Degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob ,Odayaasha dhaqanka Beelaha Leelkase iyo Sacad ,Culimo ,Haween ,Dhalinyaro iyo Saraakiisha Amniga Gobolka mudug

Beelaha walaalaha ah ee Leelkase iyo Sacad oo wadadaga Galbeedka Gobolka mudug ayaa waxaa dhexmaray heshiis taariikhi ah sanadkii 2020, waxaase dib kasoo cusboonaaday colaado sokeeye oo sababay khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac,
Waxaase maantay Gogol Nabadeed dhigay Degmada Gaalkacyo Beesha Sacad, si loo xakameeyo dhibaatada soo cusboonaatay, isla-markaana loo dhammaystiro heshiiskii hore ee 2020, waxaana sidoo kale looga hadli doonaa arrimaha deeganka.

Previous articleMadaxweynayaasha Soomaaliya iyo Tanazania oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here