Home Wararka Maanta Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu xukumay xabsi iyo ganaax lacageed

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu xukumay xabsi iyo ganaax lacageed

0

Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ee Somaliland ayaa samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay 6 bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3 milyan oo Shilin Somaliland ah.

Warbaahinta looma soo bandhigin eedaha lagu helay Coldoon ee ay maxkamaddu u cuskatay xukunkeeda. Waxa kale oo la sheegay in uu diiday inuu qabsado garyaqaan ka caawiya dooda maxkamadda, isaga oo doorbiday inuu isagu afkiisa isku difaaco.

Coldoon ayaa 4-tii bishii hore ee Abriil laga soo qabtay magaalada Berbera, kadib markii uu kasoo laabtay baxsad uu ku tagay bariga Somaliland. Wuxuu xilligaas sheegay in la doonayo in la xidho, sidaas darteedna uu u baxsaday. Balse qoyskiisa ayaa ku qanciyay inuu soo laabto oo aan la xidhi doonin, hase yeeshee waa la xidhay.

Waxaa loo malaynayaa in Coldoon lagu xidhay faallo uu ka dhiibtay warbixin ay Al Jazeera ku sheegtay in Somaliland ay aqbashay inay martigeliso qayb ka mid ah dadweynaha reer Qasa ee Maraykanka iyo Israa’iil ay rabaan inay dhulkooda ka barakiciyaan, taas oo Somaliland beenisay.

“Waxaan kasoo jeedaa Soomaaliya, wasiirkana nama matalo. Wuxuu matalaa dowlad calooshood u shaqeystayaal ah. Reer Falastiin waa walaalaheen, dadka Gaza-na waxay sii ahaan doonaan kuwo sabir iyo adkaysi ku jooga dhulkooda,” ayuu Coldoon ku yidhi faallada laga shaki qabo in xukuumaddu ku qoonsatay.

Coldoon waxa hore loogu xidhay eedo la xidhiidha magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay, marna lagu waayay.

Colaadda u dhaxaysa Coldoon iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaas oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isaga oo markaas ahaa suxufi.