Home Wararka Maanta Jabuuti oo cadeysay siday uga carootay go’aankii Muuse Biixi uu badda ku...

Jabuuti oo cadeysay siday uga carootay go’aankii Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya

0

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay aragtida dowladda Djibouti ee heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo Muuse Biixi uu ku saxiixay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan dooneyn inay dhex gasho arrimaha gudaha ee Somaliland, balse ay beeninayaan warar been abuur ah oo ku saabsan arrintaas oo khuseeya Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yihiin, balse mowqifka Jabuuti uu cadyahay, markii la joogo wixii dhacay, isagoo muujiyey in sharafta madaxweynaha Jabuuti uu meel uga dhacay Muuse Biixi.

“Mowqifka Madaxweyne Ismaaciil iyo Jabuuti waa cadyahay, sharaftu waa in arrinta miiska saaran runta laga sheego, waxaa la rabay in Muuse sheego hadii uusan dhab ka aheyn heshiiska Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Dawaaleh.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leeyihiin aayahooda inay ka tashadaan, balse Jabuuti ay samadoon ama dhexdhexaadiye ka yihiin arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay dhiig wadaagaan.

“Wax noo qarsoon maleh mowqifkeenu waa cadyahay, Muuse Biixi waxaan ka weynay habeen kale nala hoyo, kadibna waxaan ka war helnay inuu galay heshiis kale oo aad idinkuba aragteen, waan la yaabnay, waana cadeynay mowqifkeena arrinta Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan caqabad u arkin walaalahood Somaliland, “Heelka ay naga taagan tahay walaalnimada Somaliland, waxaan Midowga Yurub uga ololeynay in dhaqaale lagu siiyo sidii ay u dhisan laheyd kaabayaal dhaqaale, maadaama ay nabadooda dhisteen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa shacabka Somaliland u sheegay inay u hayaan galgaceyl walaalnimo, balse tallaabadii Muuse Biixi ay ka xumaatay Jabuuti, “Canaantaas waa u taallaa Muuse Biixi, laakiin isaga ayey u taallaa sidii uu u laab xaaran lahaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil,” ayuu yiri Wasiir Ilyaas Muuse.

Previous articleXukunka Sariflihii Alshabaab la Shaqaynaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here