Weera qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay nawaaxiga Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu beegsaday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wararka hordhaca ah waxa ay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa qaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa islamarkaana uu waday qof isa soo miidaamiyey lalana beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan milaariga.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa idaacadda VOA u sheegay in kolonyada uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka badbaaday werarkaasi.

Ruuxa waday qaariga qarxay ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen ilaalada saraakiisha balse uu is qarxiyay inta uusan usoo dhawaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ismiidaamiyaha uu damcay in uu gaarigiisa la dhex galo kolanyada.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka xoogga.