Dagaalkii muuqaalka iyo kii afka ayay ku kala adkaan waayeen, waxaana ay iminka isku ballansadeen feer run-run ah si ay isu kala reebaan, barahooda bulshada ugu sii kala kacsadaan.

Youtuber caan ah oo lagu magacaabo Austin McBroom ayaa feer run-run ah ku ballansaday tiktoker isna lagu magacaabo Bryce Hall  , waxaana ay doonayaan in ay soo afjaraan xifaaltan in badan soo jiitamayay kaas oo ay ku kala adkaan waayeen.

Labadan wiil oo labaduba u dhashay dalka Mareukanka ayaa waxaa ay barahooda bulshada ku kala haystaan shacbiyad min 20 milyan ku dhow, waxaana ay labaduba ku xayeysiiyeen maalinta feerkooda barahooda bulshada.

Sidoo kale rag iyana baraha bulshada ku kala hari waayay ayaa ku dayday labadan nin, waxaana ay iyagana isku ballansadeen feer kadib ciyaartooda.

Feerkan oo u muuqda mid toos ugu dhexeeya Youtube iyo Tiktok ayayna labada shirkadood wax shaqo ah ku laheyn, mana aysan ka hadal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*