Home Wararka Maanta Dowladda Somaliya oo ka hadashay shir maanta Kismaayo uga furmayo mucaaradka dowladda

Dowladda Somaliya oo ka hadashay shir maanta Kismaayo uga furmayo mucaaradka dowladda

0

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa ka hadlay shirweyne maanta lagu wado inuu magaalada Kismaayo uga furmo xubnaha mucaaradka dowladda iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiir Cali Xoosh ayuu ku sheegay in dowladdu marnaba kasoo horjeedin inay shir yeeshaan mucaaradka, isagoona ku tilmaamay iney yihiin kuwa diidan in dalka horay loo socod siiyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Dowladdu si buuxda ayay u dhowraysaa xaqaas, waana wax ka duwan wixii horey u dhici jirey” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Xoosh.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Wasiirka in xubnaha mucaaradka ee haatan ku sugan Kismaayo aysan qaarkood dhaqan u laheyn qabashada doorasho hufan, islamarkaana yihiin kuwa ka shaqeynaya kala qeybinta dalka.

“Qof aan lahayn dhaqanka qabashada doorasho hufan, ma noqon karaa mid dhaha arimaha doorashadda ayaan ka talo bixin, qof dalka kala goyntiisa ka shaqeynayey muddo afar sanno ah, maanta maka hadli karaa mustaqbalka dalka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sido kale qoraalkiisa ku sheegay in xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin in awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Cali Xoosh ayaa imaanaya, iyadoo maanta lagu wado in Kismaayo uu so toos ah uga furmo shirka xubnaha mucaaradka dowladda iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kaasoo ah mid diiraddu lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka.