Gabar u dhalatay dalkaasi Hindiya oo lagu magacaabo Palwinder Kaur ayaa maxkamad la tiigsaneysa amirka reer boqorka ingriiska ee Harry kaas oo ay ku eedeysay in uu uga baxay ballan guur.

Gabadhan oo uu ka tanbatay jaceylka halka dhinac ah ee ay u qabto amiir Harry ayaa ku andocooneysa in “amiirka” uu kula soo xiriiray barta twitter-ka isagoona jaceyl waali ah ku riday islamarkaana uu ka ballan.qaaday in uu guursanayo.

Twitter-ka lagala xoo xiriiray ayaa ahaa mid uu furtay ruux waddankeeda la jooga oo soo qaatay magaca iyo sawirka amiirka.

Gabadhan ayaa sheegtay in markii uu ballanta guurka kaga baxay ay ku dacweysay aabihii Charles, walow aan la ogeyn qaabka ay xiiriirka kula sameysay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay ku wargelisay aabihiis markii uu guurka kula ballamay, ayna la wadaagtay farxadda.

Amiir Harry ayaa qaba gabadha lagu magacaabo Meghan Markle taas oo ilmo yar u dhashay.

Guddoomiyaha maxkamadda ay dacwadda geysay gabadhan oo lagu magacaabo Arvind Singh Sangwan  ayaa gabadhan ku tilmaamay mid riyo ku jirta, waxa uuna sheegay in ay ka bad-baaday tuugu lacag ka dhici rabtay oo amiir Harry isaga soo dhigay.