Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay fashilisay weerar argagixiso oo uu qorsheynayay wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Sheekhdoon Cabdullaahi Maxamuud, kadib markii muddo ku dhow laba sano ay la socotay dhaqdhaqaaqiisa, ugu dambeyntiina ay siisay qori AK-47 ah iyo rasaas uu qorsheynayay inuu ku fuliyo weerarka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Maxamuud uu FBI-da soo galay diiwaankeeda bishii December 2024, xilligaas oo uu farriimo la wadaagayay qof xog-ogaal ah oo sirdoonka la shaqeynayay.
Sida ku cad cabashada dambiga ee maxkamadda loo gudbiyay, Maxamuud ayaa markii hore muujiyay inuu doonayo inuu u safro Soomaaliya si uu uga barbar dagaallamo kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee, markii dambe ayuu qorshihiisa beddelay, isaga oo doonayay inuu weerar ka fuliyo xarunta ganacsiga ee Mall of America.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in wakiillada FBI-da ay hubka iyo rasaasta ka iibiyeen Maxamuud Talaadadii, kadibna isla goobta ay ku xireen.
Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Daniel Rosen ayaa sheegay in ninkan uu ahaa qof la xagjireeyay oo loo baahnaa in lala socdo, isagoo sheegay in hay’addu ay ogaatay khatarta oo ay joojisay weerarka ka hor inta uusan fulin qorshihiisa.
Sida ay FBI-du sheegtay, Maxamuud waxaa lagu xiray beer dadweyne oo ku taalla Richfield, dhowr mayl waqooyi-galbeed ka xigta Mall of America, kadib markii uu bixiyay 600 oo dollar oo uu ku iibsaday qori iyo 200 xabbadood oo rasaas ah.
Maxamuud ayaa Arbacadii kasoo muuqday maxkamad federaali ah oo ku taalla St. Paul, isagoo xiran dharka jaallaha ah ee xabsiga. Wuxuu garsooraha u sheegay inuusan shaqo haysan, uusan lahayn guri ama gaari, isla markaana uusan lacag ku lahayn bangi.
Daniel Rosen ayaa sheegay in Maxamuud uu yahay muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan Soomaali ah.
Sida ku cad cabashada uu qoray wakiil FBI ah, Maxamuud ayaa dhowr jeer farriimo uu u diray xog-ogaalka ku xaqiijiyay inuu damacsanaa inuu weeraro oo uu dilo dad aan Muslim ahayn oo ku sugnaan lahaa Mall of America 24-ka October.
Taariikhdaas ayaa lagu qorsheeyay xaflad faneed ay qabanayaan bulshada Hmong, oo ah kooxda qowmiyadeed ee Aasiya ugu badan gobolka Minnesota.
Markii xog-ogaalku weydiiyay inuu dhab ka yahay qorshaha weerarka, Maxamuud ayaa sida cabashada lagu sheegay ku jawaabay inuu boqolkiiba 100 hubay, isla markaana haddii uusan hubin uu qorshaha ka noqon lahaa.
Wakiilka FBI-da ayaa sidoo kale sheegay in farriimaha Maxamuud ay muujinayeen inuu u riyaaqayay weerarro argagixiso oo dhowaan dhacay, isla markaana uu xiiseynayay inuu u safro Soomaaliya si uu uga dagaallamo koox hubeysan, ugu dambeyntiina uu doonayay inuu ku biiro kooxda la sheegay inay tahay Islamic State.
Xeer-ilaaliyaha Daniel Rosen ayaa waalidiinta ku booriyay inay si dhab ah u qaataan digniin kasta oo la xiriirta in carruurtooda la xagjireynayo, gaar ahaan haddii digniinta ay kasoo baxdo hay’adaha ammaanka.








