Home Wararka Maanta Shiinaha oo lagu Eedeeyay Inuu Xad-dhaaf u gurtay kaydka kalluunka Tuna ee...

Shiinaha oo lagu Eedeeyay Inuu Xad-dhaaf u gurtay kaydka kalluunka Tuna ee Soomaaliya

0

Xeebaha Soomaaliya ayaa mar kale u soo baxay meel ay kusii badanayaan kalluumeysiga sharci darrada ah, sida ay ku warameen Maritime Fairtrade.

Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa muujinaya in maraakiibta Shiinaha ay si sharci-darro ah uga hawlgalaan biyaha Soomaaliya, taas oo gacan ka geysanaysa in si xad-dhaaf ah loo gurto kaydka kalluunka Tuna oo ay khubaradu ka digayaan inuu burburi karo marka la gaaro 2026.

Khasaare dhaqaale oo gaaraya ku dhowaad $300 milyan oo dollar sannadkii ayaa la sheegay inuu ka dhasho kalluumeysiga sharci darrada ah ee Soomaaliya, arrintaas oo ay uga sii dartay awood-darida dowladda federaalka. Inkastoo Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah ay taageereen dadaallada lagu xoojinayo maamulka kalluumeysiga Soomaaliya.

Heshiiskii kalluumeysi ee Soomaaliya ay 2018 la gashay shirkado Shiinees ah, oo lagu qiimeeyay $1 milyan, ayaa dib u kiciyay su’aalo ku saabsan hufnaanta iyo maareynta kheyraadka badda.

Inkastoo ay Soomaaliya soo saartay shuruuc cusub oo adag oo ku saabsan ruqsadaha kalluumeysiga isla markaana mamnuucaya kalluunka sharci darrada ah, haddana la’aanta kormeer joogto ah iyo iskaashi goboleed ayaa sii wiiqaya dadaallada lagu difaacayo hab-nololeedyada xeebaha iyo kaydka tuna.

Dhibaatada amniga badda ayaa sidoo kale dib u soo muuqanaysa. Bishii la soo dhaafay, burcad-badeed Soomaali ah ayaa isku dayay inay weeraraan markab kalluumeysi oo laga leeyahay Spain, iyagoo adeegsanaya dooni dheereeya oo ay saarnaayeen afar qof, xilli uu markabku marayay biyaha Badweynta Hindiya.

Khabiirro badeed iyo kooxaha deegaanka ayaa ka digaya in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, Soomaaliya ay lumin karto mid ka mid ah kheyraadkeeda dabiiciga ah ee ugu waaweyn, taas oo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha, nabadgelyada iyo hab-nololeedka kumannaan qoys oo ku tiirsan kalluumeysiga.