Nanaia Cybele Mahuta, waa wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi New Zealand, waxaa ay ka tirsan tahay xisbiga shaqaalaha dalkaasi, waxaana xilkan wasiirnimo loo magacaabay dhammaadkii sannadka 2020.

Wasiiradda oo kasoo jeeda qowmiyadda loogu tagay jaziiradda New Zealand ayaa ah 50-jir dhalatay, August 21, 1970.

Xilligii la magacaabay waxaa magaceeda iyo muuqaalkeeduba qabsaday warbaahinta gudaha iyo dibedda, sababo la xiriira muuqaalkeeda oo u eg ruux”gangister” ah, balse iyadu dhaqan ahaan u haysato.

Waxa ay wajiga ku sawiratay sannadkii 2016 farshaxan u eg kan ay kooxaha gangis-ka wajiyada iyo korka ku sawirtaan, waxaana iyada keedu yahay mid dhaqan oo lagu magacaabo “moko kauae” oo kasoo keeda boqor ay farac ahaan kasoo jeedo kaas oo lagu magacaabo Māori.

Iyada oo la taagan r/wasaaraha dalka New Zealand.