Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha militariga ee kasoo gaaray Dagaalka Iran

Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha militariga ee kasoo gaaray Dagaalka Iran

0

United States Central Command (CENTCOM) ayaa fiidnimadii Isniinta ku dhawaaqday in tirada askarta Mareykanka ee ku dhimatay hawlgallada milatari ay gaartay 6 askari, halka 18 kale ay soo gaareen dhaawacyo halis ah. Hawlgalladan ayaa qayb ka ah weerarro wadajir ah oo ay fulinayaan Mareykanka iyo Israa’iil oo ka dhan ah Iiraan.

War-saxaafadeed ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in ilaa 4:00 galabnimo waqtiga Bariga Mareykanka (21:00 GMT) ee 2-da Maarso, 6 askari oo Mareykan ah lagu dilay dagaallada socda.

Sidoo kale, qoraal gooni ah oo lagu daabacay barta X (hore loogu yiqiin Twitter), ayaa lagu sheegay in la helay meydadka laba askari oo horay loo la’aa, kaddib markii la beegsaday xarun ku taalla gobolkaas intii lagu jiray weerarradii ugu horreeyay ee Iiraan.

Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ee ABC News ayaa soo xigatay afhayeenka CENTCOM, Tim Hawkins, oo xaqiijiyay in 18 askari oo Mareykan ah ay si daran ugu dhaawacmeen hawlgallada. Tani waa tiro la cusbooneysiiyay, kaddib markii hore subaxnimadii Isniinta CENTCOM ay shaacisay dhimashada 4 askari oo keliya.