Dalka Danmark ayaa wada qorshe ay dhaliilsan yihiin hay`adaha xuquuqda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Amnesty International kaas oo ku aadan kaamam ay uga fureyso dalal ku yaal Afrika oo ay damacsan tahay in ay ku xareyso qoxootiga dalkeeda magangalyada weydiista.

Wadamada ay xarumaha kaamamka ay weydiisatay ayaa waxa ka mid ah dalalka Tunisia, Etiopia, Rwanda iyo Egypt, waxaana sida ay ay xaqiijiyeen wali u socda wadahadal ku aadan aarintan.

Wasiirka soo-galootiga iyo isdhexgalka dalka Danmark Mattias Tesfaye ayaa bishii April booqday dalkaasi Rwanda oo ay ka furan yihiin kaamam qoxooti oo ay Qaramada Midoobay leedahay, balse waxa uu wasiirku sheegay in uusan wax heshiis ah soo saxiixin.

Wararku waxa ay sheegayaan in qoxootiga ay kaamamkaasi geyneyso dowladda Danmark ay yihiin kuwa dalkeeda soo gala ee qoxootinimada dalbada, kuwaas oo inta laga gaarayo go`aan lagu sii hayn doono kaamamkaasi.

Looma ogolaan doono in ay qoxootinimo ka dalbadaan kaamamkaas dad aan dalka Danmark qoxootinimo u tagin.

Qorshahan ayay hay`adaha aan kor kusoo xusnay dhaliileen, waxaana loo haystay in lagu yareynayo khataraha tahriibta balse arrinku ujeedo kale laga leeyahay.

Waxaa laga cabsi-qabaa in haddii ay Danmark hirgelis qorshahan oo uu u fulo in ay ku daydaan dalal kale oo iyana qaati ka taagan tahriibayssha badaha soo jeexaya.