Afar ka mid ah qoys muslimiin ah oo ku nool magaalada London ee gobolka Ontario, dalka Canada ayaa dhimatay kadib markii nin diintooda neceb uu ku weeraray gaari uu watay, dabadeedna jiirsiiyay.

Booliska gobolka Ontario ayaa dhacdadan usoo qabtay wiil 20 jir ah kaas oo ay sheegeen in uusan qoyska aqoonin balse uu u beegsaday diintooda dartood.

” – Waxaan u maleyneynaa in reerkan loo beegsadat diintooda, waxaana aaminsanahay in dhacdadani ay cabsi ku abuuri karto mulshada musliminta ah ee reer London”, ayuu yiri taliyaha ciidamada London Stephen Williams.

Sidoo kale booliska waxa ay sheegeen in ninka weerarka geystay uu xirnaa jaakadda aan xabaddu karin taas oo cadeyn u ah in uu kusoo talo galay in uu geysto fal-dambiyeed.

Waxaa lagu eedeeyay dilka afar ruux iyo in uu sigay mid shanaad, waxaana ay sidoo kale boolisku qorsheynayaan in uu ku eedeeyay fulinta fal argagixiso.

Dadka shilka ku dhintay ayaa lagu kala sheegay 74-jir haweeney ah, ruux 46 jir nin ah, mid 44 jir dumar ahiyo gabar 15 jir ah.

Waxaa isbitaalka dhaawac culus la jiifa wiil 9 jir ah oo falka ka bad-baaday.

Zahid Khan oo qaraabo la ah qoyska ayaa warbaahinta u sheegay in reerka la beegsaday xilli ay soo luga-baxsanayeen sida caadada u aheyd.

Afar sano ka hor ayay aheyd markii masjid ku yaal magaalada Quebec uu weerar ku qaaday ruux cunsuri ah kaasi oo 6 ruux ku dilay weerarkaasi.

Abdullah Alzureiqi and his daughter Hala say a prayer at the fatal crime scene where a man driving a pickup truck jumped the curb and ran over a Muslim family in what police say was a deliberately targeted anti-Islamic hate crime, in London, Ontario, Canada June 7, 2021. REUTERS/Carlos Osorio