Christian Eriksen ayaa ka hadlay dhacdadii habeen dhaweyd ku dhex qabsatay garoonka xilli ay kooxdiisu la ciyaarayeen xulka qaranka oo uu wadnuhu istaagay, waxaana uu ka mahadceliyay caawimaaddii loo fidiyay.

Agent-iga ciyaaryahankan oo lagu magacaabo Martin Schoots ayaa warbaahinta u sheegay in Christian Eriksen (29-jir) uusan ka fariisan doonin ciyaaraha, sida la hadal-hayay maalmihii u dambeeyay.

Ciyaaryahanka oo u sidoo kale u dheela kooxda Inter Milan ayaa tan iyo Sabtidii ku jiray isbitaalka weyn ee Rigshospitalet ee magaalada Copenhagen.