Warshad sameysa kiimiko ayaa qarax ka dhex dhashay waxa uu sababay in gebi ahaanba ay bas-beesho warshaddaasi taas oo lagu magacaabay Chemtool, kuna taalay magaalada Rockton ee gobolka Illinois, Mareykanka.

Booliska ayaa ugu baaqay shacabka la dariska ah warshaddaasi in ay isaga baxaan guryohooda ilaa amar dambe, iyagoona xiray waddoonyinka waaweyn iyo kuwa yar-yar ee soo gala xaafaddaasi.

50 shaqaale oo shirkadda ka tirsan ayaa laga bad-baadiyay musuubada, mana jiraan cid ku dhimatay marka laga reebo dadka qaar oo naqaska ku dhagay.

Ilaa 150 guri ayaa ilaa iyo iminka laga saaray dadkii ku jiray, sida uu qoray NBC Chicago.

Shirkadda Chemtool ayaa sameyn jirtay walxaha dareera sida saliidaha, biyooyinka carafsan iyo garaasooyinka.

Sida laga soo xigtay hay`adaha gar-gaarka oo ay ugu horreyso dab-damiska ayaa sheegay in ay maalmo ay qaadan doonto in gebi-ahaan dambku damo.