Home Wararka Maanta Israel oo la sheegay inay ciidamo geysay Maamulka Somaliland

Israel oo la sheegay inay ciidamo geysay Maamulka Somaliland

0

Israel ayaa ciidamo tiro yar u dirtay Somaliland horraantii sanadkan, sida uu wargeyska Middle East Eye u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in, kadib markii Israel ay aqoonsatay Somaliland bishii Diseembar isla markaana ay dib u billowdeen dagaalladii u dhexeeyay Israel iyo Iran dabayaaqadii Febraayo, Israel ay geysay ku dhowaad 50 askari gudaha Somaliland.

Sida uu sheegay sarkaalku, warbixinno sirdoon ayaa muujinaya in ciidamada la geeyay intooda badan laga soo xulay askar Israeliyiin ah oo asal ahaan Afrikaan ah, gaar ahaan Itoobiyaan, si aanay indhaha ugu dhicin isla markaana ay ugu dhex milmaan bulshada deegaanka.

Middle East Eye ayaa sheegtay inay la xiriirtay ciidamada Israel, hase yeeshee ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan eedeymahaas, iyagoo sheegay in arrintu ay khusayso hoggaanka siyaasadda. Sidoo kale, wargeysku wuxuu sheegay in aanu wax jawaab ah ka helin dowladda Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa Arbacadii sheegay in Israel iyo Somaliland ay muddo sanado ah si qarsoodi ah uga wada shaqeynayeen arrimo amni, isagoo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Warbixin ay hore u baahisay CNN ayaa sidoo kale sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in Somaliland ay Israel siisay goob militari oo dheeraad ah oo loo adeegsan karo joogsi diyaaradaha duullimaadyada fog ku taga Iran.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa Arbacadii sheegay in Israel aysan saldhig militari ku lahayn Somaliland. Wuxuu se sheegay in Israel ay taageerto Somaliland, isla markaana ay ka caawiso tababarka qaar ka mid ah ciidamada booliska iyo milatariga.