21 gaari oo noocyada qaaliga ah ayaa waxaa ay dowladda dalka Filibiin ku burburisay goob fagaare ah kadib markii ay gawaaridaasi ay ku sheegtay kuwo qaab tuugonimo ah dalka lagu soo galiyay islamarkaana aan canshuur laga bixinin.

Gawaaridan la bur-buriyay ayaa waxaa ka mid ah McLaren 620R, Porsche 911 iyo Bentley, kuwaas oo dhamaantood wada ah gawaarida qaaliga ah.

Arrintan ayay dowladdu sheegtay in ay uga gol-leedahay sidii cashar ay ugu noqon laheyd “tuugada” gawaarida ka ganacsata ee qaabka tuuganimada ah kusoo geliya dalka.

Gawaaridan ayaa la qabtay intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2020, waxaana qiimahooda lagu sheegay 58 milyan oo lacagta filippino pesos ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dowladdu budaagto gawaari qaali ah, waxaana ay horay u sameysay sannadkii 2018-da.