Home Wararka Maanta Ciyaaryahan lagu magacaabo Osama oo magaciisa hadal heyn badan ka dhaliyay dalkiisa

Ciyaaryahan lagu magacaabo Osama oo magaciisa hadal heyn badan ka dhaliyay dalkiisa

0

Osama Vinladen waa cayaaryahan 22 jir ah oo horyaalka heerka koowaad ee dalka Peru ka dheela. Wuxuuna qabsaday hadalheynta iyo caannimada kubadda cagta. Mana ahan inuu yahay laacib sida Ronaldo ama Messi ah. Sababtu waa magaca uu sito kaas oo macruuf ka ah dunida uu ku nool yahay.

Osama Vinladen Jimenez Lopez wuxuu aad usoo shaac baxay sannadkii 2017 markaas oo loogu yeeray inuu ka qeyb noqdo tartanka kubadda cagta Koofur Ameerika ee 15-jirrada ka yar. Sannadkii xigay ee 2018-ka ayuuna safashadiisa ugu horreysay u sameeyey xulkiisa.

Sannadkii tagay si kastaba, kooxdiisa ayaa mar kale usoo kacday heerka koowaad ee horyaalka dalkiisa, waxaana magaciisa mar kale uu dhaliyay hadalheyn weyn.

Tiiyoo magaciisu uu aad u hadalheyn abuuro, haddana Lopez wuxuu sheegay inuusan ku qabin wax dhib ah in magacaas loogu yeero. Waxa yaabka leh ayaase ah in walaalkiisa ka yar isagana lagu magacaabo Sadaam Xuseen. Aabbihii ayuu sheegay inuu rabay in wiilkiisa saddexaadna uu u bixiyo George Bush.

Previous articleXalaada Itoobiya oo Cakiran iyo Maraykanka Oo Ciidamada Itoobiya Eedayn Culu u jeediyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here