Waxaa lagu qiyaasaa in ka badan shan milyan oo qof in ey heleen lacag milyan Doolar kor u dhaafeysa dunida oo dhan, illaa iyo intii uu dillaacay cudurka Covid19.

Sida ay sheegtay hey’adda Credit Suisse, waxaa sare u Kacey tirada milyinneerada dunida, iyadoo markii hore ay ahaayeen 5.2 milyan, halka ay haatanna ay noqdeen 56.1 milyan.

Sanadkii tagey ee 2020-kii, ayaa ahaa sanadkii boqolkiiba hal, dadka qaan gaarka ah ee dunida ay noqdeen milyinneero markii uggu horeysay taariikhda.

Shaac ka qaadista iney soo kordheen dadka milyinneerada ah, ayey sidoo kale sheegeen cilmi baarayaasha inuu si deg deg ah u soo kabtey suuqa saami kala badalashada ee internet-ka, iyo sidoo kale qiimaha lagu kala iibsado guryaha.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegaya in dhaqaalaha abuurmey intii lagu guda jirey dhibaatada cudurka Covid19 ee safmareenka ah, aaney xiriir la laheyn, dhaqaalo xumida dunida lasoo daristey.