Xisbiga mucaaradka ah ee Himilo Qaran, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada xabsi guri lagu geliyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye “Shub”), kaas oo xilka laga qaaday maalintii shalay.
War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu tilmaamay arrintan mid la xiriirta aargoosi siyaasadeed iyo xarig sharci darro ah oo lagu beegsaday sarkaal hore oo dowladeed.
Himilo Qaran ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalka inuu si degdeg ah u joojiyo tallaabooyinka noocan ah.
“Arrintani waa dhaqan ka fog nidaamka dowladnimada, waxayna horseedi kartaa cawaaqib halis ah oo aan la saadaalin karin,” ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga.
Dhanka kale, xildhibaan ka tirsan mucaaradka, Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame, ayaa isna si kulul u dhaliilay go’doonka iyo xabsi guriga lagu hayo Taliye Mahad, isagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa xil ka qaadistan iyo xabsi guriga lagu hayo General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taas oo leh ujeeddooyin siyaasadeed. Ma aha mid waafaqsan sharciga, diinta iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed in qof lagu beegsado xiriir ama khilaaf siyaasadeed,” ayuu yiri xildhibaanku.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkan ay dib u xusuusinayaan xilliyadii hoggaamiye-kooxeedyada, markaas oo khilaafaadka lagu xallin jiray jid-gooyooyin, afduub iyo hayn dad rayid ah.
“Waa dhaqan dib u dhac ah oo ka hor imanaya cadaaladda iyo mabaadi’da dowladnimada,” ayuu yiri, isagoo ka digay in arrintani halis ku tahay sumcadda iyo kalsoonida dowladeed.
Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo Taliye Mahad, isla markaana loo soo celiyo xorriyaddiisa, sharaftiisa iyo xuquuqdiisa buuxda.








