Xulka Talyaaniga ayaa u gudbay wareega Afarta ee Koobka EURO 2020 kaddib markii uu guul kaga gaaray dhigiisa Belgium 1-2, kulan qeyb ka ahaa wareega Siddeeda ee tartanka Qaramada Qaarada Yurub.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Italy.

Daqiiqadii 31-aad xulka qaranka Italy ayaa wuxuu hoggaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii uu gool u dhaliyay laacibkooda Nicolo Barella, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marco Verratti.

44 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xulka Talyaaniga ayaa dhaliyay gool labaad, waxaana 0-2 ka dhigay dheesha Lorenzo Insigne oo gool cajiib ah dhaliyay.

Laakiin daqiiqadii 45+2 daqiiqo xulka qaranka Belgium ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Romelu Lukaku, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 uu kaga adkaaday xulka qaranka Italy dhigiisa Belgium, kulan qeyb ka ahaa wareega siddeeda, wiilasha Azzurri ayaa waxay balan adag kaga sameysteen wareega xiga afar dhammaadka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020 dhigooda Spain.