Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed oo iska casilay xilka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed oo iska casilay xilka

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Muuse, ayaa shalay si rasmi ah ug gudbiyay hogaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe warqaddiisa is-casilaadda xilka.

Warqadda uu u diray hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayuu ku sheegay inuu si ikhtiyaari ah uga degayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isaga oo codsaday in la aqbalo is-casilaaddiisa.

Dr. Axmed Cali Muuse ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku dadaalay ilaalinta caddaaladda, madaxbannaanida garsoorka, dhowrista dastuurka iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed.

“Waxaan go’aansaday inaan si ikhtiyaari ah uga dago xilka Guddoomiyenimada Maxkamadda Sare,” ayuu ku sheegay warqaddiisa is-casilaadda.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, garsoorayaasha iyo hay’adaha dowladda wada-shaqeyntii ay la sameeyeen intii uu xilka hayay, waxaana Is-casilaadda ay dhaqan geli doonta marka si rasmi ah loo aqbalo, sida ku xusan warqadda uu Guddoomiyuhu gudbiyay.