Stockholm, Sweden – Xisbiga Center-ka ee Sweden ayaa sheegay inuusan bilaabi doonin wada-hadallo ku saabsan dhismaha dowlad cusub, inta uu Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet) ku adkeysanayo inuu qayb ka noqdo dowladda.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii hoggaamiyaha Xisbiga Socialdemokraterna, Magdalena Andersson, ay ugu yeertay afarta xisbi ee mucaaradka ah kulan looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska Svenska Dagbladet ayaa sheegay in haddii Vänsterpartiet uu sii wado dalabka ah inuu dowladda ka mid noqdo, aysan jirin wax badan oo laga wada hadli karo.
“Inta Vänsterpartiet uu doonayo inuu dowladda ka mid noqdo, wax badan oo laga wada hadli karo ma jiraan,” ayuu yiri ilahaasi.
Xisbiga Center-ka ayaa sidoo kale sheegay in mowqifkiisu uusan ahayn oo keliya arrin la xiriirta doorashada, balse uu aaminsan yahay in Vänsterpartiet uusan ku habboonayn inuu ka mid noqdo dowladda.
Xisbiga Center-ka ayaa sidoo kale saadaaliyay in wada-hadallada ku saabsan dhismaha dowlad cusub ay qaadan karaan waqti dheer.
Xisbigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal kasta oo la gaaro uu horseedo dowlad awood u leh inay shaqeyso, natiijooyin keento, isla markaana yeelato qorshe siyaasadeed oo wanaagsan oo Sweden u shaqeeya muddada dhow iyo muddada fog.
Wakiil ka tirsan Center-ka ayaa sheegay in xisbigu uu weli wadahadal la leeyahay dhowr xisbi, balse uusan sheegin xisbiyada ay yihiin.
Ilaha xisbiga ayaa sidoo kale sheegay in natiijada doorashadu muujisay in xisbiyada bidixda ay dib u dhac sameeyeen, halka xisbiyada garabka midig iyo kuwa isbahaysiga ay horumar sameeyeen.
Wadahadallada xisbiyada ayaa sidaas darteed weli socda, iyadoo mowqifka Vänsterpartiet ee ku aaddan ka mid noqoshada dowladda uu yahay mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee caqabad ku ah heshiis siyaasadeed.








