Home Wararka Maanta Somaliland oo ku dhawaaqay waqtiga la bilaabayo qodista shidaalka ee Deegaanadeeda

Somaliland oo ku dhawaaqay waqtiga la bilaabayo qodista shidaalka ee Deegaanadeeda

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in qodista shidaalka qaydhiin ee Somaliland ay ku bilaabmi doonto muddo laba sano ah gudahood.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibadda Carwada Macdanta Somaliland oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in qodista shidaalku ay si rasmi ah u bilaabato sannadka 2027.

“Waxaan shacabweynaha Somaliland ugu bushaaraynayaa in muddo badan aynu isweydiinaynay goorta shidaalka Somaliland la soo saari doono. Waxaan maanta idiin sheegayaa in ugu dambayn qodista shidaalka Somaliland ay bilaabmi doonto sannadka 2027,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu intaa ku daray in haddii hawlaha la dardargeliyo ay suuragal tahay in qodistu ka horreyso waqtigaas, isla markaana ay bilaabato sannadka 2026.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay macdanta iyo shidaalka, isla markaana inta badan la ogyahay goobaha ay ku jiraan, taas oo sahlaysa in si fudud looga faa’iidaysto.

Waxa uu ku dhiirrigeliyey maalgashadayaasha caalamiga ah in ay yimaadaan Somaliland oo ay maalgashadaan khayraadka dabiiciga ah, isaga oo xusay in xukuumaddu diyaarisay dhammaan kaabeyaasha iyo shuruudihii fududayn lahaa maalgashiga.

Baadhista shidaalka Somaliland ayaa socotay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay ku hawlanaayeen shirkado ajnabi ah oo heshiisyo la galay xukuumadda, waxaana sannado ka hor la shaaciyey in la helay ceelal shidaal oo diyaarsan una baahan qodis rasmi ah.