Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha Xisbiga Sooshal Dimuqraadiga, Magdalena Andersson, kadib markii ay caddaatay in xisbiyada mucaaradku ay aqlabiyad ka heleen doorashadii Sweden.
Støre, oo isaguna ka tirsan Xisbiga Sooshal Dimuqraadiga, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku yiri:
“Hambalyo Magdalena Andersson iyo Xisbiga Sooshal Dimuqraadiga natiijada doorashada Sweden.”
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha xilka ka sii degaya ee Sweden, Ulf Kristersson, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Moderaterna, ayuu uga mahadceliyay waxa uu ku tilmaamay “iskaashi dhow oo wanaagsan.”
Støre ayaa intaas ku daray:
“Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno horumarinta iskaashiga xooggan ee u dhexeeya labadeenna dal, kaas oo faa’iido u leh muwaadiniinteena iyo dalalka Waqooyiga Yurub.”








