Home Wararka Maanta Wasiirka Arimaha Dibada Iran oo gaaray Caasimada Lubnan Xili ay Duqeyn ku...

Wasiirka Arimaha Dibada Iran oo gaaray Caasimada Lubnan Xili ay Duqeyn ku socoto

0

Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa maanta gaaray magaalada Beirut ee xarunta dalka Lubnaan

Abbas Araghchi ayaa la kulmaya ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Lubnaan,Najib Mikati, iyadoo ay Booqashadan ku soo aadayso xilli ay Israa’iil duqeymo aan loo meel dayin ka wado Beirut iyo guud ahaan dalka Lubnaan.

Booqashada Wasiirka ee Beirut ayaa la sheegay iney tahay mid hali ku ah amnigiisa maadaama ay beegsan karto Israel oo weli raadineysa wadadii ay kaga aargudan laheyd weerarkkii Iran

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa ku eedaysay Xisbullah in ay ku dhawaad ​​230 madfac ka soo tuurtay Lubnaan oo ay gashay dhulka Israa’iil.

Xisbullah ayaa sheegtay inay fulisay 32 weerar oo kala duwan maalintii oo dhan, kuwaasoo ay ku jiraan gantaallo lagu garaacay deegaannada Israa’iil iyo saldhigyo ciidan iyo weerarro lagu qaaday askarta Israa’iil oo hawlgallo dhulka ah ka waday koonfurta Lubnaan.

Hezbollah kaliya ma ahayn kooxda ay Iran taageerto ee sheegtay inay weerareen Israa’iil Khamiistii. Dhacdo kale, kooxda iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq, oo ay ku mideysan yihiin dhowr maleeshiyo oo Iran taageerto, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo ka dhacay koonfurta Israa’iil.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo dul maraysay koonfurta Israa’iil, mana jirto cid wax ku noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here