Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.

Safarka Rooble ayaa la xiriiray hirgelinta doorashada iyo sidii loo samayn lahaa dib u heshiisiin kahor maamulka iyo doorashada xildhibaannada gobolka Gedo.