Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo War Kasoo Saartay Dagaal ay Baydhabo Kula Gashay Koox...

Dowlada Somaliya oo War Kasoo Saartay Dagaal ay Baydhabo Kula Gashay Koox Taageersan Laftagareen Iyo Shabaab

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay saaka magaalada Baydhabo ku jabiyeen maleeshiyaad ay ku tilmaantay kuwo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay wasaaraddu sheegtay isku milmay.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dagaalku uu magaalada Baydhabo ka billowday abaare 4:15 subaxnimo, kaddib markii kooxahaasi ay weerar kusoo qaadeen magaalada.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay si xooggan uga hortageen weerarka, kaas oo sida ay sheegtay ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday in shacabka lagu argagax geliyo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in hadda socda qiimeyn lagu ogaanayo khasaaraha gaaray dhinacyadii weerarka soo qaaday, iyadoo xustay in faahfaahin rasmi ah laga soo saari doono marka qiimeynta la soo gabagabeeyo.

Dagaalka Baydhabo ayaa ku soo beegmay xilli magaalada uu ka taagan yahay xiisad mid amni oo u dhexeysa dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan Cabdicasiis Laftagareen.