Waxaa shalay abaarihii saacadda 16:00 hirgalay amarkii ahaa in ay dowladdu qaaday dhammaan xayiraadihii uu sababay cudurka Coronavirus kaas oo ciriiri dhaq-dhaqaaq iyo mid dhaqaale geliyay dalkaasi Norway.

Xayiraaddan ayaa dalka Norway lagu soo rogay taariikhdu marka ay aheyd 12. marso, 2020 oo iminka laga joogo 561 maalmood.

Booliska magaalooyin waaweyn iyo hay`adaha gar-gaarka ayaanan xalay nasan kadib markii ay bulshada magaalooyinkaasi oo ay ugu horreyso caasimadda Oslo ay tumasho iyo dabaaldeg ku waabariisteen.

Waxaa lasoo warinayaa isku-dhacyo gacan ka hadal iyo kuwo shil ay ka dhaseen dhaawacyo la geeyay goobaha caasimaadka, balse lama soo warin wax dhimasho ah.

Waxaa la arkayay waddooyinka magaalooyinka oo wada dad buux-dhaafiyay, waxaa sidoo kale safaf dhaadheer looyu jiray goobaha lagu caweeyo ee loo yaqaan diskotek-yada.

R/wasaaraha dalkaasi Erna Solberg oo uu wehliyo wasiirka caafimaadka Bent Høies iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ayaa warkan farxadda leh la qeybsaday bulshada maalinimadii jimcaha.