Home Wararka Maanta Taliyaha Saldhiga Garoonka adan cade oo Amar lagu Bixiyay in lasoo xiro

Taliyaha Saldhiga Garoonka adan cade oo Amar lagu Bixiyay in lasoo xiro

0

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa amartay shalay in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan-Cade oo fulin waayay amar maxkamadeed oo ahaa in uu joojiyo dhismaha ka socda dhul muran ka taagan yahay oo ku dhexjira xeyndaabka garoonka diyaaradaha, kaas oo lagu eedeeyey Madaxweyne Xassan Sh in uu xiligii ansixinta dastuurka laaluush ahaan u siiyey mudanayaal katirsan baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, isagoo fahamsan in ay leeyihiin qoyska Reer Cali Ugaas, kuwaas oo cabashadooda jeedinayay maalmihii u dambeeyey.

Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aaden-Cade ayaa iska diiday fulinta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkan, maxkamadda ayaa markale maanta amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska, iyadoo ay ilo wareedyo sheegayaan in uusan awood Taliyuhu u yeelan karin uu maxkamadda horkeeno taliye qeybeedka helaya amarada madaxtooyada ee dhul-boobka.

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Guri uu shir uga socday saraakiil Al-Shabaab ah oo la duqeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here