Sida la shaaciyay waxaa doorashadii dalka Jarmalka shalay ka qabsoontay ku guuleystay xisbiga Social Democratic Party ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (SPD).

Xisbigan ayaa helay codadka doorashada boqolkiiba 25.7, waxaana iyana kaabiga ku hayay codadka xisbiyada kala ah CDU/CSU oo iyana helay 24,1 boqolkiiba.

Xisbiyada kale ee garabka cagaarka ayaa iyana helay 14,8 boqolkiiba codadka. Xisbiga FDP ayaa helay 11,5 boqolkiiba, halka AfD uu isna helay 10,3 boqolkiiba.

Angela Merkel ayaa shalay ka degtay xilka hoggaamiyaha Jarmalka kaddib 16 sano oo ay xilkaasi heysay, taas oo soo afjartay waayaheedii siyaasadeed oo socday muddo ka badan 30 sano.

Xisbga ay ka tirsan tahay ee CDU ayaa xilka dalka Jarmalka soo qabtay 52 sano oo ka mid ah 72-da sano ee uu dalkaasi xorriyadda haystay ama ka gadaal taliskii Hitler.