Wasiirka Socdaalka Sweden, Johan Forssell, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu sii wadi doono wada-shaqaynta uu la leeyahay Soomaaliya ee la xiriirta tarxiilka muhaajiriinta laga diiday magangalyada.
Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu keenay natiijooyin wanaagsan, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo lagu joojinayo, balse ay xukuumaddu rabto in ay sii ballaariso heshiisyadan, si loogu daro dalal kale.
Sida lagu sheegay xogta booliiska Sweden, ilaa bishii Nofeembar ee sanadkan, Soomaaliya waxay qaabishay 25 qof oo si qasab ah Sweden looga soo tarxiilay, kuwaas oo 14 ka mid ah loo tarxiilay sababo la xiriira dambiyo ay galeen,Tiradan ayaa si weyn u kordhay sanadihii u dambeeyay, iyadoo ay ka kacday 6 kiis sanadkii 2021, kuna gaartay 29 kiis sanadkii 2023.
Dhanka kale, dowladda Sweden ayaa wajahday dhaliilo xooggan kaddib markii warbaahinta qaarkeed ay shaaciyeen in ku dhowaad 100 milyan oo karoon oo ka mid ah kaalmada Sweden ay si toos ah u gaareen dowladda Soomaaliya, halka 5 milyan oo karoon oo kale oo ka yimid Wasaaradda Caddaaladda Sweden loo adeegsaday maalgelinta saddex shaqo oo ka tirsan xafiiska dowladda Soomaaliya.
Wasiir Forssell ayaa caddeeyay in shaqooyinkaas lagu maalgeliyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka (IOM), isla markaana ujeeddadoodu tahay dhisidda awoodda hay’adaha ka shaqeeya dib-u-celinta muhaajiriinta, Wuxuu beeniyay eedeymaha sheegaya in lacagahaasi ay ku dhacayaan “shaqaale magac u yaal” oo aan shaqo dhab ah qaban.
Isagoo ka jawaabaya su’aalo la xiriira musuq-maasuq, gaar ahaan maadaama Soomaaliya lagu tiriyo dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, wasiirku wuxuu sheegay in Sweden ay leedahay siyaasad dulqaad-la’aan ah oo ka dhan ah musuq-maasuqa, isla markaana aysan jirin caddeymo muujinaya in musuq ka dhacay arrintan. Wuxuu intaa ku daray in tallaabo degdeg ah la qaadi doono haddii ay soo baxaan calaamado muujinaya musuq.
Ugu dambayn, Wasiir Forssell ayaa sheegay in xukuumaddu doonayso in kaalmooyin badan lagu xiro shuruudo la xiriira in dalalku aqbalaan muwaadiniintooda loo diiday joogitaanka Sweden, isagoo xusay in Sweden ay horay heshiisyo noocan oo kale ah ula gashay dalal kale.








