Waxaa isbitaalka Yerdimeeli ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Cabdi Muriidi Dheere (AJAKIS) oo ka mid ahaa majaajiliistayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa maalmahan xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaalka , kadib xanuun ku soo booday isagoo ku sugan gurigiisa.

Maalmo ka hor ayaa waxaa soo baxay warar sheegayay in uu geeriyooday majaajiliistaha, balse qoyskiisa ayaa beeniyay wararkaas.